Soo Koobid Warbixin Ku Laabashada Jaaliyadda Regent Park: Jawaab celinta Danbiga Nacaybka ee Dhismaha Guryaha ee Daniels DuEast Condominium ee 26ka Juun, 2020

Digniinta Mawduuca

Fadlan ogsoonaw warbixintan kooban waxay ku lug leedahay waxyaabo laga yaabo ay dhici karto in la dhibsado ee la xiriira cunsuriyada iyo rabshadaha midab takoorka.

Gundhig iyo Macnaha Guud

Taariikhdu markay ahayd 26ka bishii Juun, 2020, dhismaha Daniels waxaa laga helay xarig deldel ah oo yiilay waddada geeska Dundas Street East iyo Sumach Street ee Regent Park. Toddobaadkii ka dambeeyay dhacdadii fal dambiyeedka nacaybka ku saabsan, Ururka Nabada ee Xaafada Regent (Regent Park Neighbourhood Association (RPNA)) waxay la xiriireen Mitchell Cohen, & Maamulaha guud ee Daniels oo codsanaya macluumaad ku saabsan jawaabta Daniels ee dhacdada. Iyada oo laga jawaab-celinayo codsiga kor ku xusan, Daniels waxay diyaariyeen Warbixin dhameystiran. Dukumiintigaan ayaa soo koobaya Warbixinta oo kooban.

Sidee Daniels uu uga Hortagayaa Midabtakoorka Midaamsan

Marka la eego taariikhda cunsuriyada looga soo horjeedka dadka Madow ee ku baahsan Waqooyiga Ameerika, oo ayna ka mid tahay Kanada, Daniels waxay fahamsan yihiin jawaabtayada ku saabsan fal dambiyeedka nacaybka ee goobta Dhismaha DuEast ay tahay inay noqoto mid dhinacyo badan leh, iskaashi leh oo ugu muhiimsanna ay tahay mid socota. Inagoo doonayna in wax laga qabto dembigii naceybka ahaa ee dhacay 26ka Juun, 2020, Daniels wuxuu isku dayay inuu si toos ah wax uga qabto dhacdada, laakiin wuxuu kaloo sameynayaa isagoo milicsanaya sharciyada iyo habraacyada gudaha isla markaana wada hadal la galaya daneeyayaasha guud ahaan shirkaddaha dhismaha.

Jawaab-celinta Dhacdadii Dembiyada Nacaybka

  • Bayaanka Dadweynaha: Saacadihii ka dambeeyay helitaankii waxyaabahan nacayb lala xiriiriyo, Madaxweynaha & Agaasimaha guud, Mitchell Cohen, ayaa wuxuu soo saaray bayaan dadweyne. Hadalkan dadweynaha, Mitchell ayaa si buuxda oo aan shaki ku jirin u sheegay in dhacdadan ay tahay dhacdo dambi nacayb wuxuuna ku adkeeyay inaysan jirin dulqaad dulqaad ah oo ku saabsan cunsuriyada, eexashada iyo nacaybka goobaha dhismaha ee Daniels iyo guud ahaan ururka.
  • Shirka Shaqaalaha oo Dhan: Daniels waxay bilaabeen Shir Shaqaalaha oo Dhan oo taxane ah oo dhmaan dhismooyinka Daniels guud ahaan ku baahsan GTA laga bilaabo goobta DuEast maalinta ugu horeysa ee shaqada kadib dambiga nacaybka ee dhacay maalinta Isniinta, 29ka Juun, 2020) kahor intaan shaqadu bilaaban. Nuxurka wadahadaladani waxaa dib loogu soo celiyay dambigii nacaybka ee ka dhacay Daniels, wuxuu xoojiyay in dulqaad la’aan iyo nacayb aan loo dulqaadan karin dhismayaashayada iyo shirkadeena dhexdiisa, waxaanan dib u xaqiijinay sida ay nooga go’an tahay inaan ka hortagno cunsuriyada iyo eexda. In kabadan 900 oo shaqaale ah ayaa kaqeybgalay kulamada shaqaalaha oo dhan.
  • Baaritaannada: Isla markiiba markii laga helay waxyaabahan nacayb lala xiriiriyo oo laga helay goobta dhismaha DuEast, Daniels wuxuu u gudbiyay warbixin Adeegyada Bilayska Toronto, wuxuuna bilaabay baaritaankiisa gudaha ah oo uu hoggaaminayo khubaro dhinac saddexaad ka socda oo madaxbanaan oo ku takhasusay caafimaadka iyo badbaadada goobta shaqada.
  • Ka Qaybqaadashada Waxqabadka Bulshada: Tan iyo dhacdadii, Daniels waxay taageereem dhacdooyinka bulshada ee ay soo abaabuleen dadka deegaanka si ay u muujiyaan midnimada bulshada Madowga ah uguna yeeraan midabtakoorka nidaamsan, labadaba shirkadda dhismaha, iyo bulshada guud ahaan.
  • Calaamadaha Goobta iyo Dadaallada Socda: Daniels waxay qaadeyayaan talaabooyin dheeri ah si looga ilaaliyo shaqaalaha midab kala sooca takoorida goobaha dhismaheeda, oo ay kujirto fariin cad oo loo dirayo dhamaan shaqaalaha goobta jooga iyo wanaajinta tababarka heerarka la aqbali karo ee anshaxa mashaariicdayada. Taa waxaa raacsan, waxaan la shaqeyneynaa Crime Stoppers (Joojiyayaasha Dembiyada) si aan ugu dhiirrigelinno qof kasta oo macluumaad ka haya dambiga nacaybka DuEast inuu si qarsoodi ah u soo sheego.
  • Caddaaladda Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Deegaanka iyada oo loo marayo Farshaxan: Farshaxanka ayaa inta badan ahaa tab muhiim ah oo soo jiidasho leh oo loogu talagalay caddaaladda bulshada. Iyada oo qayb ka ah barnaamijkeenna soo iibinta farshaxanka, waxaan abuurnay fursad aan ku hawlgilno farshaxanno ka ay sameeyeen Shaqsiyaad Madow, Asal ahaan, Qofka Sawirka midabka leh/farshaxan wadareed ka socda Regent Park iyo/ama Downtown East oo si joogto ah loogu soo bandhigi doono gudaha xafiiska dadweynaha ee DuEast.

Jawaab-Celinta Heerka Ururka

  • Sharci Kahortagga Takoorka: Daniels waxaa u degsan sharci/iyo Barnaamij ka soo Horjeeda Rabshaddaha iyo Xadgudubyada Goobaha Shaqada ah oo horay u jirtay laakiin waxay kaloo dejisay sharci gaar ah oo ka dhan ah Takoorka.
  • Rayi-ururin Ka Qayb Qaadashada iyo Lahaanshaha: Daniels waxay aqoonsan yihiin in xog ururinta ay muhiim u tahay horumarinta siyaasadaha gudaha iyo hababka loo siman yahay. Sidaas awgeed, Kooxdayada Dadka iyo Dhaqanka waxay soosaareen rayi-ururin si loo aruuriyo xogta aasaasiga ah ee ka mid noqoshada Daniels sidaa darteed sharciga, habraacyada iyo tababarka, iyo barnaamijyada muhiimka ah ee ku saabsan kala duwanaanta, sinnaanta iyo ka mid noqoshada si looga faa’iideysto qof walba oo jooga Daniels.
  • Sharciga Shaqaalaynta: Kooxda Dadka iyo Dhaqanka ee Daniels waxay soosaartay oo ay hirgalinaysaa sharciyo ku saabsan shaqaalaynta maareeyayaashu waa inay hubiyaan in sadexdii musharaxba laba ugu dambeeya ee loo xushay wareysiga shaqo kasta oo la furayo ay ka tirsanaadaan kooxaha sinaanta doonaya.
  • Hindisaha Black North: Daniels waxay saxiixday Hindisaha BlackNorth kaas oo ay hormood ka ahaayeen Golaha Canadianka ee Hogaamiyaasha Ganacsatada ee La Dagaalanka Midab-kala-Sooca (The Canadian Council of Business Leaders Against Anti-Black Systemic Racism) Himilada Hindisha BlackNorth waa in lala xisaabtamo hoggaamiyeyaasha waaweyn ee shirkaddaha si ay tallaabo u qaadaan oo ay dib u qaabeeyaan qaab dhismeedyada shirkadaha ee taageera nidaamka midab-kala-sooca madow ee ka dhanka ah dadka Madow reer Kanada.
  • United Way of Greater Toronto – Hindisaha Fursadaha Dhaqaalaha ee Deegaanka (ILEO) Sidoo kale Daniels wuxuu kaloo saxiixay Axdiga United Way ILEO. Hindisaha ILEO wuxuu isu keenayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, kuwa bulshada, qaybaha bulshada, iyo shaqaalaha si loo helo habab hal abuur leh oo lagu yareynayo farqiga u dhexeeya barwaaqada dhaqaalaha ee GTA, iyo in la abuuro muhiimad dhaqaale oo loo wada dhan yahay oo heer degmo ah. Axdiga ILEO waxaa ka mid ah ballanqaadyada mushaharka nolosha, soo iibsiga bulshada, horumarinta shaqaalaha iyo hababka shaqaaleynta oo loo dhan yahay. Saxiixayaasha oo ay ku jiraan Daniels ayaa waxaa laga codsanayaa inay soo sheegaan horumarka ka socda meelaha sanadkiiba mar.
  • Kordhinta Nidaamka Xafiiska Shaqaalaynta: Shirkadda Daniels waxay maalgalinaysaa nidaam cusub oo xafiiska shaqaalaynta kaas oo kor u qaadi doona raadinta xogta iyo maaraynta. Gaar ahaan, nidaamka cusub waxaa ku jiri doona karti loola socdo macluumaadka dadka iyo xogta horumarka.
  • Tababbarka Kala-duwanaanta, Sinnaanta iyo Ka-mid-ahaanshaha: Shirkadda Daniels waxay bilaabayaan Eexda aan laga Warqabin iyo tababar la siinayo dhammaan shaqaalaha Daniels, oo ay ku jiraan Kooxda Fulinta.
  • Waxqabadyada Kale ee Kala Duwan, Sinnaanta iyo Ka-mid-ahaanshaha: Marka lagu daro kala duwanaanta, sinaanta iyo ka mid noqoshada (DEI) tababarka, kooxda Daniels ‘Dadka iyo Dhaqanka waxay bilaabeen dhowr dadaal oo kale oo DEI ah si loo abuuro meel loogu talagalay wadahadalka gudaha, oo ay ku jiraan Guddiga DEI iyo Goobaha DEI ee shaqaalaha.

Wadahadal iyo Wadashaqeyn lala yeesho Asaag Shirkadda iyo Daneeyayaasha

  • Golaha Dhismaha Degaanka ee Ontaariyo (RESCON) Hindisaha La Dagaalanka Midabtakoorka: Shirkadda Daniels waxay si firfircoon uga qayb qaadanayaa barnaamijyada RESCON ee kahortagga Midab-takoorka, oo ay ku jiraan Ka-hortagga Midab-kala-sooca Daadfuran, iyo Dhismaha Ka Hortagga Cunsuriyadda Meelkasta (CARE).
  • Toronto Community Benefits Network (TCBN) (Shabakada Waxtarka Bulshada ee Toronto): Shirkadda Daniels waxay ku hawlan yihiin wadahadal lala yeesho TCBN qorshayaal kala duwan oo raadinaya wax ka qabashada cunsuriyada nidaamsan, oo ay ku jirto ka doodista hababka ugu fiican ee loogu abuurayo fursado shaqo shaqsiyaadka ka tirsan kooxaha sinnaanta raadinaya.
  • Hindisaha Uruka Dhismaha Dhulka iyo Shirkaddaha Dhismaha (BILD) Shirkadda Daniels waxay si firfircoon uga qaybqaadaneysaa doodaha lala yeelanayo BILD, kaas oo ah codka shirkaddaha dhismaha dhismaha iyo warshadaha horumarinta dhulka ee aagga Greater Toronto. Natiijada ugu muhiimsan ee kaqeybgalkan ay aah in la abuuroka Guddi Kaladuwanaansho, Sinnaan iyo Ka Qayb Galin.

Nuqul ka mid ah Warbixinta dhammaystiran oo ku qoran Ingiriisiga ayaa la diyaariyay, fadlan iimeel u dir Fatima Saya, Maareeyaha Iskaashiga Bulshada ee Shirkadda Daniels: fsaya@danielscorp.com